Deni oo dalab culus u diray Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland

Dec 10 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa Maxkamadda Dastuuriga ah ka dalbaday in ay go’aan ka gaadho muddo-kororsiga sannadka ah ee ay sameysteen Baarlamanka Puntland, ka dib guddoonkii Isimmada SSC-Khaatumo, sida ay tilmaamayaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Waxa la filayaa in maxkamaddu wax-ba-kama-jiraan ka soo qaaddo kororsimada sannadka ah, ka dibna madaxweyne Deni soo saaro Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Baarlamanka 6’aad ee Puntland.

Tani waxa ay imanaysa xilli Senator Faroole xalay kulamo kala duwan la qaatay Guddoonka Baarlamanka, Mucaaridka iyo Madaxtooyada, si laysugu soo dhoweeyo Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamanka & Ku-xigeen Karaash oo isku dhinac ah oo iyagu ayidsan kororsiimada Golaha Wakiillada.

Hayeeshee dadka agdhow labada dhinacba waxa ay qabaan in ay ku dhammaan karto Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo laysla fahmo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More