Deni oo ka digay weerar uga yimaada kooxda Shabaab oo beegsaneysa DDS.

July 31 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa laamaha amaanka maamulkiisa ugu baaqay iney ka feejignaadaan weerar uga yimaada kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo wada damac ku aadan sidii ay xadka Itoobiya uga talaabi lahaayeen.

Deni ayaa sheegay in shacabka iyo maamulkiisa looga baahan yahay iney ilgaara ku hayaan habka cusub ee Shabaab u weecisay dagaalkeeda, wuxuuna soo jeediyay in midnimo la muujiyo, si loo wiiqo khatarta kooxdan

“Dalka waxa uu ku socdaa xaalad runtii u baahan in si dhaw looga socda oo la muujiyo feejignaan amni, waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya ama Itoobiya waa wax cusub, Shacab & Ciidan in la muujiyo feejignaan iyo garab istaag, Dadka reer Puntland waxaa lagu yaqaanaa in ay midnimo muujiyaan cadawgooda iska dhiciyaan oo Dowladdooda difaacdaan”  ayuu yiri Deni.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili bishan ilaa 3 jeer ay Shabaab weerartay dowlad deegaanka, iyadoo ka gashay xadka maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, weeraradaasi waxaa ku dhintay dad kudhow 500 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More