Deni oo markii 3-aad Axmed Taaraan u soo maacaabaya gudoomiyaha maxkamadda sare.

August 06 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa markii saddexaad Axmed Taaraan u soo magacaabayo gudoomiyaha maxkamadda sare, kadib heshiis laga gaaray khilaafkii ka dhashay Arrinta Maxkamadda sare kaasoo u dhexeeyay Baarlamanka iyo Madaxweynaha Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Deni uu xildhibaanada ku qanciyay iney kala qeybsadaan xubnaha kale ee maxkamadda sare, isagana loo daayo ninka uu u soo magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare, taasoo soo dadajisay heshiiska la gaaray.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in mar kale la horgeeyo baarlamaanka, waxaana loo badinayaa in haatan la ansixin doono hay’ada ugu sareysa ee garsoorka maamulkaasi Puntland.

Si kastaba, Markii u horraysay Madaxweyne Deni ayaa 31 March ee Sannadkan Axmed Taaran u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare balse Baarlamanka ayaa 4 July diiday in ay ansixiyaan isaga iyo Xubnihii kale ee Maxkamadda.

Madaxweynaha ayaa isla maalintaas mar kale dib u magacaabay Xubnaha Maxkamadda sare oo uu u horreeyo Guddoomiye Axmed Taaraan, 7 July ayuu mar kale Baarlamanku meel-mariyay go’aan Baarlamaani ah oo diidaya in dib loo magacaabo Xubnaha Maxkamadda sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More