DF oo ergo xal nabadeed raadiya u dirtay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood
Mar. 25 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood u dirtay ergo nabadeed, kuwaasoo xal u raadinaya dagaalka socda mudo laba bilood ah.
Ergadan oo kasoo kala jeeda Isimada dhaqanka ee beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ayaa gaaray magaalada Garoowe, halkaasoo ay wadahadalo kula yeelan doonaan Isimda dhaqanka SSC ee ku sugan caasimadda Puntland.
Sida wararka hordhaca ah ee la helayo ay sheegayaan, wadahadalkan ayaa intiisa badan diirada lagu saari doonaa Sidii nabad loo raadin lahaa, loona joojin lahaa dagaalka socda.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ay Isimadan safarka nabadeed ku socda ay tagi doonaan Hargeysa, oo ay la kulmi doonaan Madaxda Somaliland si ay dhankooda ugala hadlaan sidii dagaalka loo joojin lahaa
Si kastaba, lama oga waxa kasoo bixi doona dadaaladan nabadeed ee socda ee xalka loogu raadinayo dagaalka Laascaanood oo ay ku naf waayeen dad kudhow 400, halka kudhowaad 1000 ruux ay ku dhaawacmeen, dadaalo kuwan lamid ah oo ay waday dowladda Itoobiya ayaa dhawaan guuldareystay.