DFS oo shaacisay iney korordhay tirada dadka ku dhintay qaraxyadii Zoobe2.

Oct. 31 (Jowhar.com) -Waxa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay dhismaha wasaaradda waxbarashadda oo ku taala isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxana saacaddihii ugu dambeeyay maydad kale laga soo saaray dhismayaasha ku burburay qaraxyada.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegaysa in tirada dhimashadu, ay haatan marayso 120 qof.

Dhinaca kale waxa socda gurmad loo samaynayo dadka ay dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee Sabtidii Muqdisho ka dhacay.

Dawladda ayaa shalay magacowday Guddi heer wasiirro ah oo isku dubarida hawlaha gurmadka ee socda, waxana gudoomiye u ah wasiirka caafimaadka Dr Cali Xaaji.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay dhimashada 120 qof iyo dhaawaca in ka badan 300, haddana waxaa weli jira dad la la’yahay, waxaana suurta-gal ah in khasaaraha intaas kasii bato.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay wacad ku maray in loo aargudi doono dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More