DFS oo wafdi baaritaan u dirtay Baraawe oo dagaalo ay ka dhaceen

June. 23 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada QS Col Liiban Cali Yarow oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Darajada 1aad Col Hassan Cali Nuur Shute. Wasiirka Gashandhiga DF Wasiirka Cadaalada KGS iyo Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa Maanta Kulan la yeeshay Ciidankii ku Dagaalamey Magaalada Baraawe.

Dhamaan Ciidanka ayaa laga wareystay Sida ay wax u dheceen iyadoona Maxkamada Ciidamada ay Amar buuxa Ciidanka ku siisey in ay is walaashadaan kana shaqeeyaan Nabada Magaaladan.

Baraawe dhawaan waxaa ka dhacay Dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Ciidamo taabacsan Koonfur Galbeed iyo Kuwa Dowlada Federaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More