Dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho
Mar. 01 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin madaxa looga jiray uu si arxan darra ah ugu dilay degmada Warta-Nabada Nin kale oo dhalin yara ahaa, iyadoo arrintan ay aad uga argagaxern dadka deegaanka.
Ninka madaxa looga jiray ayaa Gowracay Dr Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo
kamid ahaa dadka dagan xaafadda Filorenca, iyadoo la tilmaamay inuu qoorta ka gowracay, sida saraakiisha caafimaadka ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen.
Ehelka marxuumka iyo dadka kale oo isla xaafadda dhacdadan ay ka dhacday dagan ayaa eryaday gacan ku dhiiglaha, waxeyna jirdil xooggan u geysteen ninka falkan geystay, iyadoo ay markii danbe goobta gaareen ciidamadda amniga ee degmada Warta-Nabada oo danbiilaba goobta ka kaxeeyay isagoo dhaawcayo culus qaba.
Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Jazeera oo xaruntooda caafimaadka la dhigay ninka dilka geystay ayaa sheegay in xaaladiisa ay haatan la tacaalayaan, iyagoo sheegay in dhaawacyada ay uga yaalaan qeybaha sare ee jirka oo burbur xoogga uu ka jiro.
Arrintan ayaa walwal hor leh ku abuurray shacabka magaalada Muqdisho oo maalmahanba ka cabanayay dilalka joogtada ah ee ay geysteen ciidamadda dowladda iyo amniyaadka Shabaab.