Dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhimatay badda Lesbos ee dalka Giriigga

Mar 5 (Jowhar.com)- Wararka ka imanaya dalka Giriigga ayaa sheegaya in meydadka illaa sagaal ruux oo la rumeysan yahay inay yihiin Soomaali tahriibayay laga helay badda Lesbos ee dalka Giriigga.

Dhalinyaradan oo la la’aa muddo 5 cisho ah ayaa geeridooda la ii xaqiijiyey ka dib markii la sheegay in ay soo heleen ciidanka booliska dalka Giriiga.
Dowladda Giriiga ayaa sheegtay in doonida ay quustay markii ay buux dhaaftay ka dib dabeylo xooggan oo badda ka jiray.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ka tageen magaalada Izmir ee Dalka Turkiga 28.2.2022.

Magacyada iyo sawirada shan kamid ah 9-ka dhalinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay inay ku geeriyootay badda u dhexaysa Turkiga & Giriiga ayaa la shaaciyay.

Waxaana ay kala yihiin Maxamed Mustafe Xasan,Abdalle Mohamed Warsame,Ibrahin Axmed Bile,Asiya Ciise Aadan iyo Muna Awcabdi Ibrahim.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More