Dhexdhexaadinta Farmaajo iyo Rooble oo markale ka bilowday magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ay wehliyaan Shan Wasiir iyo labo Wasiir kuxigeen ayaa bilaabay dadaalo ay ugu kala dab qaadayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wararka sheegaya in Guddoomiye Mursal iyo Wasiirada ay markii hore la kulmeen Madaxweynaha muddo xilleedkisu dhamaaday ee Farmaajo, iyadoo kadibna la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ilo wareedyo ku dhow Wasiirada qeybta ka ah Waan waanta ayaa sheegaya in howsha dhex dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida labada dhinac ay tahay mid bilow ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay natiijada dhexdhexaadinta dib looga bilaabay madaxda ugu sareysa dalka.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ayaa saameyn ku yeeshay xaalada siyaasada dalka iyadoo cadaadis xoog leh uu ugaga imanaya beesha caalamka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More