Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay madaafiic ay ATMIS ku garaacday deegaanka Golweyn
Jun. 19 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo xalay lagu garaacay degaanka Golweyn ee hoostaga magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Sh.hoose.
Wararka la helayo ayaa tilmaamay in madaafiicdan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ay deegaankaasi Golweyn ku garaaceen ciidamada ATMIS oo fariisin ku leh duleedka degaankaasi oo 7 KM u jira magaalada Buulo-Mareer oo dhowaan weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Uganda ay ku qaadeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.
Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramay in madaafiicda uu ku dhintay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Axmadey Caliyow Cabdullaahi, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.
Dadka dhaawacyada qaba oo qaarkood xaaladooda ay daran tahay ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si xaaladooda loola tacaalo.
Shacabka magaalada ayaa haatan dhigaya banaanbax ay uga soo horjeedaan gumaadka ciidanka ATMIS ay ku hayaan shacabka, iyagoo dowladda ka dalbaday iney soo fara geliso dhibaatooyinka ka jira deegaanka Golweyn.