Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay madaafiic lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

August 20 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro Hoobiyayaal ah oo saqdii dhexe ee xalay lagu garaacay qeybo kamid ah Waaxda Jeneraal Daauud degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, ilaa 4 Hoobiye ayaa soo dhacday, waxeyna saddex kamid ah ku habsadeen aqalo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa tilmaamay in Hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay ay ku geeriyoodeen madfac ku dhacay gurigooda xili ay hurdeen, Aabihii qoyska oo dhaawac ah ayaa ka soo haray qoyskaas.

Sidoo kale dad gaaraya 19 qof oo u badan dad isku qoys ah ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray weerarka madaafiicda ah oo lagu soo beegay xili ciidamadda amaanka ay la tacaalayeen weerarka dabley hubeysan oo Shabaab ka tirsan ay ku galeen hoteelka Xayaat ee ku yaala isgoyska KM4 ee bartamaha magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More