Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax askar Miino baar ah lagula eegtay Muqdisho

Oct 14 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino ahaa oo ka dhacay Xaafadda Waxaracade ee Degmadda Heliwaa.

Qaraxa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9 ay, iyadoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyi dhaawacba leh.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa ku waramay in2 Askari ay dhimatay 3 kalena ayku dhaawacmeen weerarka, qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas xooggan

Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusii daraya on labada askari ee dhimatay la soo gaarsiiyey CID halka kuwii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaalka Madiino si xaaladooda halkaas loogu dabiibo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More