Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ay Taliban ku qaaday Pakistan

0
24

Nov 12(Jowhar)- Dagaal xooggan ayaa maanta ka dhaceen xadka u dhexeeya Afghanistan iyo Pakistan, iyadoo Islamabad ay ku eedeysay Kabul in ay taageerto kooxo hubeysan.

Wararka agaa sheegaya in 6 askari oo Pakistani ah lagu dilay degmada Maruf ee gobolka Kandahar, halka laba kale ay nolosha ku qabteen ciidamada Afghanistaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Afghanistaan ay gacanta ku dhigeen fariisin ay lahaayeen ciidanka Pakistan, ayna qabsadeen gaadiid dagaal oo tiro badan.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Afghanistan ayaa u sheegay Al Jazeera in ciidamada dalkiisa ay hadda dagaal kula jiraan ciidamada Pakistan ee ku sugan 7 gobol oo dhaca xuduuddaha labada dal.

Dhinaca kale, ciidanka Guutada Khalid bin Waliid ee hoos taga Wasaaradda Difaaca Afghanistan ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo Pakistani ah, iyagoo tilmaamay in weerarkaas uu ahaa jawaab celin ku aaddan duqeymo diyaaradeed oo ay ciidanka Pakistan ka fuliyeen caasimadda Kabul iyo gobollada Khost iyo Nangarhar.

Waxaa xusid mudan in ururka Taliban tallada dalka Pakistan haya uu shalay sheegtay mas’uuliyadda weerarro is barbar socda oo lagu qaaday ciidanka ammaanka ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee xadka la leh Afghanistan, kuwaas oo sababay dhimashada 23 qof, dadka dhintay 20 ka mid ah waxey ahaayeen askar iyo 3 shacab ah.

Islamabad waxay ku eedeysay Taliban in ay weeraradaas ka soo abaabulaan gudaha Afghanistan, balse dowladda Kabul way beenisay arrintaas.

Ciidanka Pakistan ayaa isna sheegay in ay dileen 30 dagaalyahan intii lagu guda jiray howlgal milatari oo ka dhacay gobolka Khyber Pakhtunkhwa, taas oo ahayd jawaabtii ay ka bixiyeen weerar lagu dilay 11 askari bilowgii bishan October.

Rabshadaha iyo weerarada ayaa sii kordhay gobolka Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay dagaalyahanada in ay isticmaalaan dhulka Afghanistan si ay ugu tababartaan uguna qorsheeyaan weeraro ka dhan ah Pakistan. Sidoo kale waxay ku eedeysay Hindiya oo ay colaad hore u dhexeyso in ay maalgeliso oo ay taageerto kooxahaas, walow arrintaasi ay labada dalba beeniyeen.

Sida laga soo xigtay ciidanka Pakistan, weerarrada tan iyo bilowgii sanadkan waxay sababeen dhimashada in ka badan 500 qof, oo ay ku jiraan 384 askari. Warbixinno ka yimid Qaramada Midoobay ayaa tilmaamaya in Taliban Pakistan ay hesho taageero iyo sahay militari oo ka timaada gudaha Afghanistan.