Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar lagu qaaday safaarada Israel ee dalka Serbia

Jun 30 (Jowhar.com)-Saraakiisha Dowladda Serbiya ayaa sheegay in la dilay nin gammuun ama leeb ku weeraray askar ilaalineysay safaaradda ay Isra’il ku leedahay magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia.

Wasiirka arrimaha gudaha Ivica Dacic oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in ninka leebka ku weeraray safaaradda uu dhaawac halis ah gaarsiiyay askari ka mid ah booliska ilaalinayay safaaradda.

Wuxuu kaloo sheegay in askari uu leebka ka haleelay qoorta, balse isna uu dilay ninka weerarka ka danbeeyay. Wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay weerar argagixiso oo ka dhan ah Serbia.Wakaaladda wararka Serbia ee Tanjug ayaa ku warrantay in aysan jirin wax khasaaraha ah oo soo gaaray shaqaalaha iyo diblamaasiyiinta safaaradda Isra’il ee Belgrade.Wasaaradda arrimaha dibadda Isra’il ayaa xaqiijisay dhacdadaaasi kuna tilmaantay weerar argagixiso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More