Dhul-Gariir Xoog Leh Oo markale ka dhacay dalalka Turkiga iyo Siiriya
Feb. 21(Jowhar.com)-Saddex qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay koonfurta dalka Turkiga , toddobaadyo ka dib markii uu dhul gariir khasaare geystay uu ku dhuftay gobolka.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dad ka badan 680 ruux ay ku dhaawacmeen gudaha dalka Turkiga iyo Suuriya.
Hay’adda masiibooyinka iyo gargaarka degdegga ah ee Turkiga Afad ayaa sheegtay in gariirku uu dhacay 20:04 xilliga maxalliga ah (17:04 GMT), waxaana xigay tobanaan gariir kaddib.
Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 ayaa ku dhuftay isla aagga 6-dii Febraayo, waxaana ku dhintay in ka badan 44,000 oo qof oo ku nool Turkiga iyo Suuriya.
Dadka ku dhintay gariirkii Isniintii ayaa laga helay Antakya, Defne, iyo Samandagi, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay in aysan gelin dhismayaal halis ah.
Mr Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay ku dhaawacmeen gudaha wadanka Turkiga.
Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in burbur hor leh uu soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada Antakya, halka duqa magaalada Hatay ee koonfurta Turkiga uu sheegay in dad ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Maamulka Turkiga ayaa diiwaangeliyay in ka badan 6,000 oo dhul gariir kadib 6-dii Febraayo.
Hay’adda u dooda xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in 470 qof oo dhaawac ah ay booqdeen cusbitaallada kadib dhulgariirka, kaas oo sidoo kale la sheegay in laga dareemay Masar iyo Lubnaan.
Baqdin iyo argagax ayaa ka jira waddooyinka – khadadka ambalaasyada iyo kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya inay gaaraan qaar ka mid ah meelaha ugu daran ee darbiyada dhismayaasha burburay ay soo dumeen.Tiro dhismayaal ah oo ka haray gariirkii 6-dii Febraayo ka dib ayaa hadda burburay, waxaana ka mid ah buundo.
Axadii, maamulka maareynta masiibooyinka ee Turkiga ayaa sheegay in ay soo afjareen inta badan howlihii goobidda iyo samatabbixinta ku dhawaad laba toddobaad ka dib dhulgariirku dhacay iyadoo khubaradu ay sheegeen in fursadda ay ku badbaadaan dadka ku go’doonsan burburka burburka illaa iyo hadda aysan suurtagal ahayn.
Dadaallada qaar ayaa weli ka socda gobollada Kahramanmaraş iyo Hatay. Sabtidii, lamaane iyo canugooda oo 12 jir ah ayaa lagu soo badbaadiyay Hatay, 296 saacadood kadib dhulgariirkii, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu.
Dadaalka lagu soo saarayo kuwa badbaaday ayaa waxaa caqabad ku noqday qabowga ka jira gobollada dhulgariirku ku dhuftay, halka mas’uuliyiinta ay la halgamayaan caqabadaha saadka ee u daabulaynta gargaarka waqooyi-galbeed ee Suuriya iyada oo ay jirto xiisad bini’aadantinimo oo ba’an oo ay u sii dheer tahay sannado badan oo colaado siyaasadeed ah.