Dib u dhac ku yimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

April 19 (Jowhar.com)-Shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay in beri oo Sabti ah ka dhacayo magaalada Muqdisho ayaa u baaqday cilado farsamo aan la shaacin owgeed.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan warfaafinta ayaa lagu sheegay in shirkii Wadatashiga uu ku baaqay Madaxweynaha u baaqday cilado farsamo .

Hase yeeshee, lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhaca shirkan oo la qorsheeyay in loogaga hadlo qodobo ay ka mid yihiin arrimaha dastuurka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More