Dibadbaxayaasha Kenya oo dalbaday inuu is casilo Madaxweyne Ruto

Jun 27(Jowhar.com)Booliiska magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ku eryay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah si ay u kala eryaan dibadbaxayaal maalin kale dhigayay mudaaharaadyo ka dhashay hindise sharciyeedka muranka dhaliyay kaas oo kordhin lahaa canshuurta laga qaado badeecadaha muhiimka ah.

Boqolaal dad ah ayaa khamiistii isugu soo baxay waddooyinka si ay ugu baaqaan in xilka laga qaado madaxweyne William Ruto,

Markii ay mudaaharaadayaashu ku sii jeedeen xarunta ganacsiga ee Nairobi, askar ayaa la soo dhoobay, waxaana booliska oo wata qalabka ka hortagga rabshadaha ay xireen waddooyinka gala xafiiska Ruto ee Aqalka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Kenya.

Dibad-baxayaasha ayaa ka yaraa kuwii maalmihii hore ka dib markii mudaaharaadyo waaweyn ay isu beddeleen rabshado, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Dad Mudaaharaadaya oo tiradoodu gaareyso boqolaal ruux ayaa sidoo kale isugu soo baxay magaalada dekedda leh ee Mombasa iyo saldhigga mucaaradka ee Kisumu,Mudaaharaadyo ayaa sidoo kale laga soo sheegay Kisii iyo Migori.

Todobo qof laba dumar ah iyo shan rag ah ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Homa Bay ee galbeedka Kenya, sida uu sheegay Citizen TV.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada booliska ay rasaas ku fureen xili ay mudaharaadayeen, kadibna loola cararay cisbitaalka ismaamulka Homa Bay.

Mudaaharaadyada ay hogaaminayaan dhalinyaradu waxay bilowdeen todobaadkii hore, balse Arbacadii,madaxwaynuhu wuu diiday inuu saxeexo isbeddelka cashuuraha ee sharciga wuuna ka noqday sharciga ay ansixiyeen xildhibaanada Baarlamaanka.

Xigasho; Aljazeera

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More