Diiwaangelinta guddiga soo xulista ergada 2 kursi oo ka bilaabatay Muqdisho

Waxaa magaalad Muqdisho laga bilaabay maanta diiwaangelinta ergada soo xulista kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 iyo HOP#229 iyadoo uu jiro khilaaf soo kala dhex galay guddiga doorashada SEIT ee gobolada Waqooyi.

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa hore u shaaciyay qabashada doorashada qaar kamid ah kuraasta golaha shacabka, waxaana kuraastan u tartami doona musharaxiin kala duwan.

Waxaa soo baxaya khilaaf ka dhex jira qaabka doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi iyadoo ay u muuqata in ay dhici karto in labo garab u kala jabaan guddiga doorashooyinka Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More