Diiwaangelinta kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee Somaliland oo maanta bilaabanaysa

Guddiga doorashada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka labo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu yahay #HOP239 iyo #HOP237, waxaana maanta oo jimco ah la bilaabayaa diiwaan gelinta qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha Musharaxnimo iyadoo ay socon doonto muddo labo cisho diiwaangelinta musharaxiinta.

Labada Kursi mid ka mid ah ay ayaa waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah kursiga tirsigiisu yahay #HOP239, waxaana dadka doonaya inay u tartamaan ka mid ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Sidoo kale Kursiga kale ee Tirsigiisu yahay #HOP237 ayaa waxaa hore ugu fadhiyay Biixi Iimaan Cige oo laga yaabo inuu dib ugu soo laaban doono kursigan.

Dhawaan ayaa waxaa uu ka codsaday Ra’iisul Wasaare Rooble siyaasiyiinta gobolada Waqooyi inay si dhaqso ah u bilaabaan doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More