Diyaar garowgii u dambeeyay ee dhaarinta xildhibaanada oo ka socoto Muqdisho.

April 12 (Jowhar.com)- Magaalada Muqdisho waxaa ka socota diyaar garowgii ugu danbeeyay ee munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Dharinta waxey ka dhaceysaa teendhada Afisooni ee xayndaabka xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Sawirran ay soo bandhigeen guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa muujinaya hoolka ay ka dhaceyso dhaarta oo la diyaariyay, iyadoo la dhigay kuraasta ay xildhibaanada ku fariisan lahaayeen, iyadoo sidoo kalena lagu dhajiyay boor ay ku cadahay dhaarta xildhibaanada.

Guddiga doorashooyinka iyo xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqday iney meel isaga xooreen cabashada madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Lafta-Gareen, iyadoo 74 xildhibaan oo deeganadaasi ka soo jeeda ay iska diideen qaadashada shahaadada xildhibaanimo, iyagoo shuruud uga dhigay in la fasoxo 3 kursi oo laga xanibay.

Xubnaha NISA ee baarlamaanka ku soo biiray ayaa iyaguna dhankooda diidan qaadashada shahaadada, iyagoo la safan taliyihii hore Fahad Yaasiin oo loo diiday shahaadada, maadaama FIET ay sheegeen in habraac saxan loo marin doorashada kursiga uu ka soo qaatay magaalada Beledweyn.

Viilla Soomaaliya ayaa isku dayeysa sidii ay u carqaladeyn leheyd munaasbaada, si ugu yaraan dib ay uga dhacdo maalinta Khamiista oo taariikhdu ay tahah 14-ka bishan, sidoo kale waxaa soo afjarmay dadaalo badan uu Fahad Yaasiin u maray si uu shahaado uga helo guddiga doorashooyinka, waxaana laga war sugayaa maxkamadda sare oo ah halkii ugu danbeeyay uu taageero ka raadsaday.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More