Diyaaradaha dagaalka Kenya oo dad shacab ah ku laayay gobolka Gedo
Jully. 06 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeymo dhinaca cirka ah oo diyaatadaha dagaalka dalka Kenya ay ka geysteen deegaanka Ceel cadde ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeymahan oo dhacay xalay iyo saaka ay ka dhasheen khasaare gaaray dad shacab ah, waxaana ka dhashay dhinasho iyo dhaawac.
Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqeymahan ay ku naf waayeen laba qof oo shacab ah, kuwaaso magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin magaciisa lagu soo koobay Miskiinow.
Majirto wax war ah oo duqeymahan ay kasoo saareen dowladda Kenya iyo maamul gobolka Gedo, dhowr jeer oo hore ayey sidan oo kalr weeraro shacab lagu laayay ay ciidamada Kenya uga geysyeen gobolkaasi Gedo.