Diyaaradda Air Jabuuti oo shil ku gashay garoonka diyaaradaha Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in diyaaradda Air Jabuuti ay goordhoweyd shil ku gashay garoonka diyaaradaha Garowe.

Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaas, waxaana diyaaradda oo caga dhigatay garoonka ayaa mid ka mid ah baalasha matoorka ay dhulka ku gaartay, iyadoo ka muuqatay burbur

Rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa si nabad ah uga degtay, waxaana sidoo kale la sheegay taayarada dambe ay waxyeelo ka soo gaartay.

Maamulka Garoonka ayaa sheegay in rakaabka saarnaa diyaaradda ay bad-qabaan, waxaana diyaaradda shilka gashayna ay dhex fadhidaa bartamaha wadada ay diyaaradaha ku ordaan ee runwayga.

Diyaaradda Air Jabuuti ee laga leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa duulimaadyo ku taga, Muqdisho, Garowe, Boosaaso iyo Hargeysa, iyadoo sameysa duulimaadyo maalin walba ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More