Doorashada 5 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay ka dhacaysaa magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shantan kursi ayaa waxaa lagu wadaa inay u tartamaan illaa toban musharax oo shalay qaatay shahaadada musharaxnimo.
Musharaxiinta ku tartamaysa maanta magaalada Kismaayo ayaa kala ah

1:HOP#136 Waxaa ku tartami doona Cumar Yuusuf Qaladiid iyo Cabdifataax Cumar Macalin

2: HOP#130 Waxaa ku tartami doona musharrixiinta kala ah Mowliid Cabdi Maxamuud Iyo Haboon Xasan Tiifoow

3: HOP#112 Waxaa ku tartamaya Cabdiqaadir Maxamed Wacaysiyo Daa’uud Cismaan Cali.

4: HOP#079 Waxaa ku tartamaya Maxamuud Muxumed Cumar (Kuulow ) iyo Bashiir Nuur Xuseen

5: Hop#072 Waxaa ku tartami doona Cabdirashiid Xidig iyo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More