Doorashada Golaha Shacabka ee xildhibaanada Gobolada Waqoyi oo maanta la soo gabagabeynayo

Waxaa maanta lagu soo gabagabeynayaa magaalada Muqdisho doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka ee xildhibaanada gobolada waqooyi ee Somaliland.
3-kursi oo ah kuraastii ugu dambeysay ee xildhibaanada gobolada waqoyi ayaa saaka lagu dooranayaa xarunta Dugsiga General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Waxaa doorashada saaka dhacaysa awgeed xiran qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho iyadoo dadka iyo gaadiidkaba loo diidayo inay maraan gaar ahaan wadooyinka u dhow dhow dugsiga General Kaahiye.

Inta badan doorashada golaha shacabka ee ka socota dalka ayaa ah kuwo la isu tanaasulo oo la sii qorsheeyo xildhibaanka ku soo baxaya waxaana la filayaa in sidoo kale saaka saddexda kursi ee ka imanaysa gobolada waqooyi ay waqti kooban ku soo dhamaato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More