Doorashada hal kursi oo ka dhacday maanta magaalada Dhuusamareeb

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad goboleed Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada kursiga HOP#89 oo ay ku tartameen saddax musharax oo kala ah.

1-Qaasim Cabdikariim Cilmiseed
2-Baar Axmed Raage
3-Yaasin Cabdi Jaamac.

Waxaa ka tanaasulay tartanka Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Baar Axmed Raage ayada oo ergada cod gacan taag ah ugu codeeyeen Qaasim Cabdikariim Cilmiseed oo ku guuleystay in uu noqdo Xildhibaan golaha shacabka BJFS kuna fadhiya Kursiga HOP#89.

Kursigan ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cabdi Shire Jaamac “Ciyaarjecel” oo diiday inuu markale isku soo sharaxo doorashada kursigan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More