Doorashada labo kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

Labo kursi oo ka mid ah golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto xarunta tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Kuraastan oo ah kuwa gobolada waqooyi ee dalka ayaa dooranaysa illaa 101 ergo oo isku mid ah iyadoo musharaxiinta labadan kursina uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Ammaanka goobta ay ka dhacaysa doorashadan iyo agagaarkeeda ayaa la adkeeyay iyadoo wadooyinka soo gala dugsiga booliska la xirey saaka.

Ergada u codeynaysa labadan kursi ayaa shalay la siiyay tababar ku saabsan qaabka ay u codeynayaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More