Doorashada lix kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saaka ka dhacaysa magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kuraastan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee lagu soo doorto dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan xildhibaanimadooda mudanayaashii hore ugu fadhiyay kuraastan.

Xildhibaanada kuraastan hore ugu fadhiyay ee maanta tartamaya ayaa waxaa kamid ah wasiirka gargaarka xukuumada federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Musharaxiinta maanta u tartamaysa lixdan kursi ayaa kala ah;
1- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#052 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Farxiyo Axmed Dhaqane iyo
2) Faadumo Yuusuf Cumar

2- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#088 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Dahabo Suusow Maxamuud iyo
2) Jamiilo Maslax Bulow

3- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP #098 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Maxamuud Maxamed Jimcaale (SEESEEY)
2) Ubax Haashim Odowaa.

4- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#097 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Khadiijo Maxamed Diiriye
2) Hodon Maxamed Xirsi

5- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#005 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Maxamed Cumar Ceymoy
2) Maxamed Cumar Cali.

6- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#033 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay
1) Yuusuf Ibrahim Afrah
2) Maxamed Xuseen Sabriye

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More