Doorashada Lix kursi oo maanta ka dhacaysa magaalada Baydhabo

Mar 3 (Jowhar.com)-Doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa waxaa maanta ay ka dhacaysaa magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashada Koofurgalbeed ayaa shaaciyay musharaxiinta ku tartamaysa kuraastan kuwaasoo gaaraya 12 musharax.

 

Dhammaan xildhibaanadii hore ugu fadhiyay kuraastan oo ay ka mid yihiin siyasiyiin caan ah ayaan ka mid ahayn musharaxiinta ku tartamaysa kuraastan.

 

Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI) iyo Xasan Cali Maxamed Amar-dambe oo hore ugu fadhiyay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta maanta doorashadoodu ka dhacayso Baydhabo ayaan ka mid ahayn musharaxiinta ku tartamaysa maanta doorashada ka dhacaysa Baydhabo.

Lixda kursi ee maanta lagu tartamayo ayaa waxaa ay kala yihiin Hop#050, Hop#275, Hop#183,Hop#230,Hop#253 iyo Hop#18.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More