Doorashada Saddex kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Saddexda kursi ee maanta lagu dooranayo magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kala yihiin HOP#118, HOP#126 iyo HOP#127.

Saddexdan kursi ayaa waxaa hore ugu kala fadhiyay Kursiga HOP#118: ayaa waxaa hore ugu fadhiyay Saqar Ibraahim Cabdalla, balse waxaa ku tartamaya maanta musharixiinta kala ah: Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Cumar Maxamed Cumar.

HOP#126: Waxaa hore ugu fadhiyay Maxamed Xasan Idiris (Ganeey) balse waxaa lagu wadaa inay ku tartamaan maanta Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) iyo Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.

Halka kursiga saddexaad HOP#127 uu hore ugu fadhiyay Cali Cismaan Xirsi ay maanta Baarlamaankii 10aad, waxaa isu diiwaangeliyay Musharaxixiinta kala ah, Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi iyo Dr. Axmed Aadan Axmed.
D

oorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa ka socota dowlad goboleedyada dalka iyadoo shalay lagu doortey magaalada Muqdisho 9 xildhibaan halka magaalada Baydhabo lagu doortay 3 kursi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More