Doorashada Shan kursi oo maanta lagu qabanayo Gaalkacyo

Mar 6 (Jowhar.com) –  Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada Shan kamid ah kuraasta golaha shacabka ee ka soo jeeda koofurta gobolka Mudug, iyadoo kuraastan ay ku tartami doonaan kudhowaad 15 musharax.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shalay shahaadooyinkooda musharaxnimo siiyay musharixiinta tartameysa kuwaasoo buuxiyay shuruudihii laga rabay, kuraasta la dooranayo ayaa ah; Hop#101, Hop#013, HOP#060, HOP#017 iyo Hop#001.

Shanta kursi ee maanta doorashadooda la qabanayo ayaa la soo sheegayaa in qorshuhu yahay in laba kamida mudanayaashii hore ugu fadhiyay ay kuraastooda dib ugu soo laabtaan, halka saddxeda kale loo diyaariyay shaqsiyaad cusub, kuwaasoo kuraasta loo xiray.

Qorshaha maanta waxa uu ahaa in Gaalkacyo lag qabto doorashada Lix kursi, balse waxaa doorashadiisa dib loo dhigay kursiga uu u sharaxnaa taliyihii hore ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, sababta dib loogu dhigay ayaa eheyd xiisad ka dhalatay diidmo laga hortagay inuu tartamo, maadaama kursiga uu u sharaxnaa laga dhigay qoondo dumar.

Madaxweynaha Galmudug Qoor qoor ayaa Gaalkacyo safar deg deg ahaa ugu baxay si uu xal uga gaaro tabashada taliyaha, iyadoo mar lagu sigtay in magaalada dagaal uu ka qarxo, waxaana hubkooda la soo baxay askar ka tisan Daraawiishta Galmudug oo la safnaa Jeneraalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More