Doorashadii Ceelwaaq oo la soo gabagabeeyay iyo 5 xildhibaan la doortay

April 23 (Jowhar.com) -Waxaa maanta magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada Gedo ku meteleysa baarlamaanka 11-aad ee dalka, xili uu jiro khilaaf arintaasi ka dhashay oo sbabay in garab kale ay xarunta Gedo ka ababaulaan doorasho kale.

Waxaa manata la soo doortay Shan xildhibaan, iyadoo maalinimadii shalay oo Jimce eheyd la soo doortay 11 Mudane, taasoo ka dhigan in la soo dhameystiray dhamaan kuraastii taalay gobolkaasi, doorashada waxa ay eheyd iney ka dhacdo Garbahaareey balse waxaa loo wareejiyay magaalada Ceelwaaaq.

Xubnaha maanta la soo doortay waxaa ku jira wasiiro ka tirsan maamulka Jubaland, iyadoo maamulkan uu lamid noqonayo maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed oo wasiiradoosda ay kamid noqdeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Magacyada xubnaha maanta la soo doortay ayaa kala ah:

1-Mursal Maxamed Khalif oo ku guuleeystay kursiga HOP#122.

2-Maxamed Muxumed Maxamed oo ku guuleystay kursiga HOP#110.

3-Marwo Faadumo Faarax Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP#123.

4-Axmed Cismaan Ibraahim oo ku guuleysatay kursiga HOP#131.

5-Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ku guuleystay kursiga HOP#125.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More