Doorasho Golaha Shacabka oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu doortay qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraastan oo ay ku tartamayeen xildhibaano hore ugu fadhiyay kuraasta iyo musharaxiin cusub ayaa waxaa inta badan ku guuleystey xildhibaanadii hore ugu fadhiyay.

Cabdirashiid Jirre Qalinle ayaa ku guuleystay kursiga HOP 082 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdirashiid Jire Qalinle wuxuu helay 75 cod halka Siyaad Aadan oo la tartamay uu ka helay 20 cod waxaa xumaatay 4-cod,

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa mar kale ku guuleystay kursiga HOP 2017 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu helay 71 cod, halka Maxamed Faarax Muxumed oo la tartamayey uu helay 20 cod.

Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa mar kale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maryan Aweys Jaamac ayaa mar kale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay heshay Maryan Aweys Jaamac 83 Cod, halka Saynab Cali Magaanga ay ka heshay 15.

Kursiga HO 134 ayaa waxaa ku guuleysatay Sahra Jaamac Cali kadib markii ay u tanaasushay Fartuun Axmed Yuusuf.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More