Doorasho la isu tanaasulay oo saaka ka dhacday magaalada Muqdisho

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa maanta qabtay doorashada kuraasta Golaha Shacabka waxaana saaka lagu kala guuleystey labo kursi.

Inta badan doorashada ka socota magaalada Muqdisho ee ay ku tartamayaan musharixiin ka soo jeeda gobolada waqooyi ayaa ah kuwo la isu tanaasulo oo tartan adag uusan ka dhicin.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Maryan Maxamed Ciise iyo Khadiija Cali Warsame

Waxaana inta aysan dhicin doorashadaba ku dhawaaqday inay tanaasushay Khadiija Cali Warsame waxaana cod gacan taag ah oo gaareysa 95 cod ku guuleysatay Maryan Maxamed Ciise.

Sidoo kale waxaa isla saakaba la qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#218,waxaana ku tartamay Dr Maxamed Elmi Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen.

Waxaana tanaasulay Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen iyadoo uu ku guuleystey doorashadan Dr Maxamed Elmi Ibraahim oo helay codad gaaraya 98 cod.

Sidoo kale waxaa saaka la doortay Abdiwahaab Cabdi Cumar kadib markii ay u tanaasushay musharaxii la tartamayay Muna Axmed Diiriye ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada.
Waxana uu helay codad gaaraya 97 cod waxana uu ku guuleystey HOP#270.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More