Doorasho labo kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo ka dhacday maanta magaalada Jowhar

Doorasho labo kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka dhacday maanta oo isniin ah magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kursiga Koowaad ee Hop#70 oo uu ka geeriyooday Aadan Cali Xasan (Aadan Jamhuuriya) ayaa waxaa ku tartamay Cabdiraxman Maxamed Sheekh & Maxamuud Cali Bariise, balse waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Sheekh.

Cabdiraxman Maxamed Sheekh ayaa helay 71 cod, halka Musharixii la tartamayay uu helay 14 cod, waxaana halaabay 13 Cod.

Kursiga labaad ee Hop#115 ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Marwo, Mulki Cabdullahi Islaaw.

Xildhibaan Cali Maxamed Cumar ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 87 Ergay, waxa uuna helay 86 cod halka 1 qof uu Codkiisa u diiday, waxaana gudsigu shaaciyeen in markale kursiga uu ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More