Doorasho saddex kursi oo maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb

Doorashada golaha shacabka ee ka socota magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu doortay saddex xildhibaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku guuleystey doorashadii ugu horeeysay ee saaka ka dhacday Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa doorashada maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ku soo baxay oo lagu doortay HOP#040, waxaana ku guuleystay, Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaano Kulane Jiis, kadib markii uu u tanaasulay msuharrax Xasan Cabdi Jaamac oo u ahaa malxiis, maadaama isaga loo xiray kursiga.
Kursiga saddexaad ee HOP#007 waxaa ku guuleystay Faarax Cabdi Diini oo ah guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Diini ayaa helay codad dhan 76 cod, kadib markii uu u tanaasulay musharax Mohamed Cabdi Cali oo kula tartami lahaa kursigaaso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More