Dowlad deegaanka Soomaalida oo sheegtay in la soo afjaray howlgalkii Shabaab.

July 24 (Jowhar.com)-Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan la soo afjaray howlgal dhowr maalin socday oo ka dhan ahaa duulaankii ay Arbacadii kooxda Al-Shabaab ku gashay gudaha dowlad deegaanka, iyadoo dagaalka uu sbabay dhimashada inkabadan 100 ruux oo labada dhinac iyo askarba isugu jirtay.

Golaha ammaanka ee dowlada Deegaanka Soomaalida oo iclaamiyay soo afjarida howlgalkan ayaa sheegay in kooxda lagu hareereeyay aaga “Hulhul”, halkaasna looga dilay dhamaan kooxdii Shabaabka eheyd ee xadka ka soo gudubtay, marka laga reebo tiro yar oo gacanta lagu soo dhigay.

“Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo aan gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

Golaha ammaanka ee dowlada Deegaanka Soomaalida waxa ay ujeedka duulaanka Shabaab ay ku sheegeen in qorshohooda uu ahaa in ay galaan deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan degmada Ceelkari oo ay ku biiraan kooxda Shane.

Si kastaba, Afhayeenka militariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa horey u sheegay in dagaal-yahanada ay qabsadeen Yeed iyo Caato, ayna dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay khasaaraha dagaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More