Dowlada Federalka oo si kulul uga hadashay qarax shalay ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay isla markaana cambaareeyey qaraxii ismidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Alshabaab shalay galab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo “.

Qoraalka raii’sulwasaaraha ayaa waxa lagu sheegay in falkan uu muujinayo sida ay AL-shabaab uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib ka dhigeysa in la isku kaashado la dagaallanka AL-shabaab sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay RW Rooble.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu cambaareeyay weerarkan oo ay dowladdu ku eedeysay in ay ka danbeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab waxana dowladda sheegtay in weererkan ay ku geeriyoodeen 10 ruux in kastoo khasaraaha intaas ka badan yahay.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay qof walxaha qarxa isku soo xiray oo beegsaday maqaayad ku taalla isgoyska Jubba oo ay dad badani ku fiidsanayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More