Dowlada Holland oo u burburtay sababo la xiriira siyaasada Magangalyadoonka

July. 07 (Jowhar.com)-Dowladda Holland ayaa u burburtay sababo la xiriira kala duwanaanshaha xisbiyada isbaheysiga ee ku saabsan siyaasadaha magangalya doonka.

Afarta Xisbi ee isbahaysiga ku ah xukuumada ayaa waxay awoodi waayeen inay heshiis ku gaaraan wadahadaladii xasaradda ahaa ee uu garwadeenka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Mark Rutte.

Rutte, oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta dhexe ee VVD, ayaa doonayey in uu adkeeyo xakameynta isku keenida qoysaska magangalyo doonka ah, ka dib fadeexad sanadkii hore ku saabsan xarumaha socdaalka ee buux dhaafiyay ee Netherland.

Waxa uu dalbaday in tirada qaraabada qaxootiga wadamadooda dagaalada ay ka dhaceen ee loo ogolaanayo in ay soo galaan Netherland lagu soo koobo 200 oo ruux bishii, waxa uuna ku hanjabay in uu ridi doono dowlada hadii taladu ay dhaafi waydo, sida ay sheegtay warbaahinta Holland.

Laakiin xisbiga Christian Democratic ah ee bartamaha Netherland ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha.
Afarta xisbi waxay yeesheen wadahadallo Arbacadii iyo habeennimadii Khamiista si ay u badbaadiyaan dawladda taasoo xafiiska la wareegtay Janaayo 2022 oo keliya.

Doorasho cusub ayaa laga yaabaa in la qabto xilliga deyrta soo socda. Mr Rutte ayaa la filayaa in uu ku wareejiyo golahiisa wasiirada iscasilaada.

Soo jeedin lagu xaddidayo in loo oggolaado xubnaha qoyska ee qaxootiga ee horey u joogay Netherland ayaa sababay xiisad gaar ah.

Mr Rutte, oo 56 jir ah, waa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee dalka Holland soo mara, wuxuuna xilka hayay tan iyo 2010. Dowladda hadda jirta – oo xafiiska la wareegtay Janaayo 2022 – waa isbaheysigiisii ​​afaraad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More