Dowlada Itoobiya oo ka hadashay dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa bilowday dadaal ay ku joojineyso dagaalka maalmihii u dambeeyey Soomaalida iyo Canfarta ku dhexmarayey Galbeedka Gobolka Siti.

Xukumadda Addis Ababa ayaa labada dhinac ay dirirtu dhex mareyso ugu baaqday iney si degdeg ah xabadda u joojiyaan isla markaana miiska wadahadalkana isugu yimaaddaan.

Dagaalka maamlmihi la soo dhaafayna waxaa ku dhintay dad boqol kor u dhaafaya, iyo dad badanna ay ku barakaceen.

Dhinacyada dagaallamayana waxay kala sheeganayaan iney dagaalka guulo ka gaareen oo ay dhulal kala qabsadeen.

Waxaana horey u fashilmay heshiisyo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda soo noq-noqotay ee Soomaalida iyo Canfarta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More