Dowlada jabuuti oo beenisay inay xirtey Fahad Yaasiin

Dowlada Jabuuti ayaa beenisay in ay xirtey Agaasimihii hore ee sirdoonka dalka Soomaaliya Fahad Yaasiin,kadib markii afhayeenka Madaxweyne Farmaajo uu ku eedeeyay dowlada Jabuuti inay xirtey Fahad Yaasiin.

Ilyaas Mousa Dawaleh oo ah Xoghayaha guud ee Xisbiga talada haya ee Jabuuti ahna Wasiirka Maaliyadda ayaa wax aan sal laheyn ku tilmaamay eedeynta Villa Somalia ee ah in dowladda Jabuuti ay xirtay Fahad Yaasiin.

Wasiirka Maaliyada Jabuuti ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Jabuuti ay war rasmi ah goordhow soo saari doonto.

Dhinaca kalena, Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jabuuti ayaa VOA u sheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof, diyaaradda Turkish Airlines, iyagoo ku sii jeeday Muqdishu, hase yeeshee ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdishu.

Sarkaal ka tirsan Jabuuti oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdishu ay ku celin doonaan halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dhinaca kale,waxaa soo baxayay warar sheegaya in Hay’adaha Amniga Soomaaliya ay ku amartay diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo hadda ku xayiran Jabuuti.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More