Dowlada Khazakhstan oo Xabsiga dhigtey Madaxii hore ee Sirdoonka

Madaxii hore ee sirdoonka Kazakhstan Karim Massimov ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay qiyaano qaran kadib dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlada Kazakhstan oo ka dhacay guud ahaan dalka.

Xariga Karim Massimov ayaa waxaa ku dhawaaqay guddiga amniga qaranka, oo ah hay’ad uu madax hore ugu ahaa Karim Massimov.
Maamulka Kazakhstan ma aysan bixin faahfaahin kale oo ku saabsan sababta Mr Massimov loo xiray.

Doorkiisa ugu sarreeya ee madaxa hay’adda sirdoonka, kaas oo ka soo baxay ciidankii amniga ee dawladii Soviet ee KGB, Mr Massimov wuxuu ahaa saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Nazarbayev, oo laba jeer ahaa ra’iisul wasaarihiisa.

Xarigiisa ayaa dhaliyay warar xan ah oo sheegaya in uu jiro loolan dhanka awoodda ah oo ka dhex jira dowladda Kazakhstan. Maamulka ayaa hadda u muuqda in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada ugu weyn ee Almaty. Balse madaxweyne Kassym-Jomart Tokayev ayaa sheegay in weeraro uu ku tilmaamay inay yihiin falal argagixiso ay wali ka dhacayaan meelaha qaar.

Hadalkan ayuu ku sheegay mar uu taleefoon kula hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, kaasoo boqolaal askari u diray Kazakhstan toddobaadkan si ay gacan uga geystaan ​​soo celinta nidaamka.

Madaxweyne Tokayev ayaa qalalaasahaas ku eedeeyay argagixiso ay shisheeyuhu soo tababareen, isagoo aan bixin caddayn.
Joogitaanka ciidamada Ruushka ayaa dhaleeceyn kala kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken, oo yiri; “Hal cashar oo taariikhda dhow laga bartay, waa in mar haddii Ruushku gurigaaga yimaado, ay mararka qaarkood aad u adag tahay in ay ka baxaan”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa hadalka Blinken ku tilmaantay mid gef ah, waxayna ku jawaabtay erayo kulul: “Markay dadka Maraykanku gurigaaga joogaan, way adkaan kartaa inaad sii noolaato oo aan lagu dhicin ama lagu kufsan”.

Mudaaharaadyada Kazakhstan ayaa bilawday kadib markii sare u kac uu ku yimid qiimaha shidaalka,waxayna saraakiil u hadashay Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in 26 dambiilayaal hubeysan iyo 18 ka tirsan ciidamada ammaanka lagu dilay iska horimaadka,n ka badan 4,000 oo qofna xabsiga ayaa la dhigey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More