Dowlada oo raaligelin ka bixisay rasaas lagu furay gaadiid uu saarnaa Xasan Sheekh

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa raaligelin ka bixisay rasaas lagu furay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Cadaaladda dowlada federalka Cabadulqaadir Maxamed iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Xabsiga Dhexe ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin rasaasta lagu ridey kolonyada gaadiidka ah ee uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aan wanaagsaneen ku tagalkana uusan ahayn in ciidan hal hadaf leh ay isku dhacaan.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabadulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xunyihiin sida ay wax u dhaceen, raaligalina ay ka siinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Asluubta iyo Wasiirka Caddaalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in la baarayo sababta keentay in ciidanka isku dhacaan.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatana ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada dalka.

Qaar ka mid ah Ciidamada Asluubta ayaa rasaas ku furay kolonyo gaadiid oo gelbineysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh hase yeeshee wax qasaare ah kama dhalin rasaasta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More