Dowlada oo sheegtay xilliga la soo gabagabeynayo shirka Wadatashiga Madasha Qaran

Dowlada Federalka ayaa shaacisay xilliga la soo gabagabeynayo shirka golaha wadatashiga qaran oo toddobaadkan ka socday magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumada ayaa qoraal kooban oo soo dhigey bartiisa waxa uu ku sheegay in War Murtiyeed wadajir ah maanta laga soo saarayo shirka.
“Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in galabta la soo gebagebeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda saaraya , Muddada doorashadu lagu gabagabeynayo, hufnaanta doorashada & amniga.”

Sidoo kale afhayeenka ayaa ku xusay qoraalkiisa in war murtiyeedka lagu xusi doono muddo cayiman oo lagu soo gabagabeynayo doorashada dalka.
“Heshiiskan waxa uu horseedayaa doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo in dalka looga hirgaliyo waqti kooban oo cayiman.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More