Sunday, August 9, 2026
Home NEWS Dowlada Pakistan oo ka hadashay shaqaale ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah

Dowlada Pakistan oo ka hadashay shaqaale ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah

7

Aug 09-(Jowhar)-Dowlada Pakistan ayaa sheegtay in ay rajo weyn ka qabto in la sii daayo shaqaale u dhashay dalkeeda oo ku jira gacanta burcad badeed Soomaali ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Hussain Andrabi, ayaa sheegay in xaaladda shaqaalaha markabka ay tahay mid aad looga xumaado, isagoo xusay in Islamabad aysan weli ku guuleysan inay xaqiijiso sii deyntooda iyo badqabkooda.

Andrabi ayaa sheegay in dowladda Pakistan ay waddo hannaan ay wasaarado iyo hay’ado kala duwan kaga qeyb qaadanayaan dadaallada lagu xallinayo arrinta, iyadoo si joogto ah loola socdo xaaladda shaqaalaha la haysto.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn uu yahay goobta lagu hayo shaqaalaha, oo uu ku tilmaamay inay ku taallo deegaan iskiis isu maamula oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo sida uu sheegay adkeynaysa tallaabo kasta oo lagu doonayo in si ammaan ah lagu soo furto shaqaalaha.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallada lala yeelanayo burcad-badeedda ay yihiin caqabad kale oo weyn, isagoo xusay in xaaladda ay sii murjisay qaab-dhismeedka qabaa’ilka Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leeyihiin qaar ka mid ah dadka deegaanka ee saamaynta leh.

Pakistan ayaa sheegtay inay weli rajo ka qabto in horumar laga sameeyo dadaallada lagu sii deynayo shaqaalaha markabka, iyadoo Islamabad ay xiriir joogto ah la leedahay dowladda Soomaaliya, maamulka deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Dowladda Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay inay garwaaqsan tahay walaaca iyo xanuunka ay qabaan qoysaska shaqaalaha la haysto, iyadoo xaqiijisay in dadaallada lagu doonayo soo celintooda ay socdaan.