Dowlada Shiinaha oo ka hadlay doorashooyinka dalka Soomalaiya

Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye.

Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay in ay ixtiraamayso madaxbanaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh.

Hadalka Dowladda Shiinaha ayaa imaaanaya iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya ay digniin u diratay Hay’ado iyo dalal ay sheegtay inay ku xadgudbeen madaxbannaanida Soomaaliya.

Dowlado badan oo caalamka ayaa ku dhaliilay dowlada Soomaaliya dib u dhaca doorashada dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More