Dowlada Soomaaliya oo cadeysay Mowqifkeeda dagaalada Bariga Dhexe

Apr 14 (Jowhar.com)-Dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso mowqifkeeda ku aadan colaada ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay is-bedellada cusub ee ka dhacay Bariga Dhexe, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si deg deg ah u joojiyaan xiisadda colaadeed, ayna is xakameeyaan.

Qoraalka oo aan lagu xusin magacyada dowladaha Iran iyo Isra’il oo xurguf xooggan soo kala dhex gashay ayaa hase ahaatee loogu baaqay beesha caalamka in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu dejinayo xaaladda, loona dhimo khatarta colaad hor leh.

“Colaadaha iyo xiisadahaan sii kordhaya waxay halis galinayaan xasiloonida gobolka oo kaliya balse sidoo kale waxay halis gelinayaan nabadda iyo amniga caalamka.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowlada Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu muujiyay taageerada ay dowlada Soomaaliya u hayso Falastiin;

“Soomaaliya waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo weerarada Israel ee Gaza. Waxa ay u ololaynaysaa in la helo xal cadaalad ah oo ku salaysan xal u helida labada dawladood, waxa aanay dib u xaqiijinaysaa taageerada ay siiso dadka reer Falastiin si ay aayo-ka-tashi iyo cadaalad u helaan.”ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More