Dowlada Soomaaliya oo cafis u fidisay maxaabiis ku xiran xabsiga Xamar

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiyada ka sii daysay maxaabiis kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga Dhaxe iyo Xabsiga MBC kasii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo kuwaasi oo madaxweynaha JFS uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda awgeed.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in maxaabiista maanta laga siidayay xabsiga ay ku eedeysanaayeen dambiyo fudud.

Waxaa uu tilmaamay in maxaabiista intii ay xabsiga ku jireen in la baray waxyaabo ay kamid yihiin Farsamada gacanta.

Sidoo kale waxaa dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaal magaalada Baydhabo illaa toban maxbuus oo uu cafis u fidiyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More