Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii diyaaradaha Dorneska ee lagu qaaday Abu Dhabi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, halkaasoo Xuutiyiinta Yemen ay ku weerareen diyaarad Drones oo walx qarxa laga soo buuxiyay.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse ugaga tacsiyeeyay dadkii ku dhintey weerarka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowlada Federalka Soomaaliya, Waxaan si xoog leh u cambaareynayaa weerarka argagaxiso eelagu qaaday Abu Dhabi, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda. Falalka argagixisanimada ayaa khatar weyn ku ah gobolka iyo Amniga caalamka, Waxaan garab taagannahay shacabka Imaaraadka Carabta”.ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Weerarkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo Xuutiyiintu ku qaadaan magaalada Abu Dhabi ee wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku dhintey saddex ruux halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Imaaraatka ayaa cambaareeyay weerarrada Xuutiyiinta ee Abu Dhabi, iyagoo ku tilmaamay ‘dambiyo aad u fool xun’, Mareykanka ayaa sheegay in uu kooxda kula xisaabtami doono falka ay ku kaceen.

Imaaraatka Carabta ayaa qeyb ka ah isbaheysiga militari ee Sacuudigu hogaaminayo ee taageera dowladda Yemen ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dhowr jeer Sucuudiga la beegsaday weeraro xudduuda ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More