Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay amar ay dowlada Kenya in la xiro xeryaha qaxootiga

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay war ka soo baxay dowlada Kenya oo ah in ay xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini’aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ah ay ku joogaan Kenya sharci caalami ah oo mudan in la ilaaliyo.

“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah.”

“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga.”

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Kenya aysan dan ugu jirin dib u celinta qaxootiga oo iyada ayaaba ku qaadata malaayin lacag ah.

“Kenya iyada ayaa faa’iidada ugu badan ka hesha qaxootiga, sannadkiiba waxaa ka soo gala qiyaas ahaan nus bilyan doolar iyadaaba dhaqaale ku qabta marka u maleyn maayo inay dan badan ugu jirto dib u celinta qaxootiga.”

“Waxaan hadda wadnaa dib u xoreynta dalka oo gobolladii muhiimka ahaa sida gobolka Jubbada dhexe oo ay dadka qaxootiga qaarkood ka yimaadeen waxaa haysta Al-shabaab marka waxaan is leeyahay in hadda la siyaasadeeyo arrimaha qaxootiga ee cadowga soo barakiciyay dhulkoodii in aanay dani ugu jirin darisnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha bariga Afrika.”

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishii December ee sanadkii tagay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya kaddib markii ay sheegtay in ay ku xad gudubtay madaxbannaanideeda, ayna ciidamo kasoo abaabushay xadka ay la wadaagto.

UNHCR waxay sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Karoona.

Waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto wadahadallada ay arrintan kala yeelaneyso mas’uuliyiinta Kenya.

Labada wadan ayaa sannadihii lasoo dhaafay uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeynin tan iyo markii ay horaantii 2019-kii cirka isku shareertay xiisadda ku saabsan muranka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More