Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay 50 ka tirsan Alshabaab ku dileen Jubbada Hoose

July. 11 (Jowhar.com)-War lagu daabacay warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay maanta ka sameeyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku dileen illaa 50 ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab.

Dagaalka maanta dhacay ayaa daba-socday hawlgallo socday, ayaa ka dhacay maanta meel u dhow degaanka Weelmaaro oo 45km dhinaca Bari ka xigta Afmadow.

“Howlgal Burburin ah oo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay in ka badan 50 ka tirsan Khawaariijta kuwaas oo ay ka mid yihiin horjoogeyaal.”ayaa lagu sheegay warbaahinta dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Wakaalada wararka SONNA ayaa daabacday in Madaxii Maaliyadda ee deegaanka Weel-Maaroow a lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay maanta ka fuliyeen deegaanka Weel-Maaroow.

Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka ka qeybgalay ay nolosha ku qabteen Tiro maleyshiyaad ah, hub iyo gaadiid dagaal sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Hase yeeshee Warbaahinta Alshabaab ayaa daabacday in weerar ismiidaamin ah ay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Maraykan ah.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa bilaabay howlgalo ay doonayaan inay kula wareegaan deegaanada ay ka joogaan Alshabab gobolka Jubbada Hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More